Shir looga hadlayo arimaha burcad-badeeda Soomaalida oo beri ka furmaya magaalada New York

Magaalada New York, ee dalka Mareeykanka waxaa beri ka furmaya mid kamid ah kulamada aadka isha loogu wada haayo, kaasoo ay yeelanayaan kooxda xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano (ICJ) ayaa waxa ay ka tashanayaan sida burcad-badeeda Soomaalida loos oo afjari karo.

Qodobada horyala kooxda xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wax ay tahay, in Ciidamada isbahaysiga NATO lagu amaani karo iyo kuwa midowga Yurub eek u guda jira ladagaalanka burcad-badeeda Soomaalida, ineey ka miro dhalinyeen ineey yareeyeen weerarada burcad-badeeda qaadi jireen.

Dalalka sida gaarka ah loo bogaadin doono ayaa waxaa kamid ah, Shiinaha, India, Japan iyo Ruushka.

Sidookale koxaha burcad-badeeda Soomaalida 75% ayaa yaraaday weeraradii ay qaadi jireen, waxaana sidaas qaba kooxda xiririka Calamiga ee arimaha Soomaaliya (ICJ).

Kulankaan ayaa socon doona mudo 2 maalin ah, maalinta labaad oo ay taariikhdu tahay 2/May lacago aruurin ayaa kulanka loogu samayn doonaa doowlada Soomaaliya, sidoo kalena waxyaabaha la qorsheeynayo waxaa kamid ah in la tayeeyo Ciidamada badda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ineey ka hortagaan weerarada kooxaha burcad-badeeda.

Kooxda Contact Group oo uu Mareeykanka ugu horeeyo, ayaa dhow jeer kulan ka yeeshay arimaha burcad-badeeda Soomaaliya iyagoo badanaa kulamadoodana ay war-saxaafadeedyo uun kasoo saaraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here