Shir looga hadlay arimaha Somalia oo galabta ka dhacay New York


Shir gaar ah oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Shirka oo ay ka qeybgaleen xubnaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madax badan oo ka socotay caalamka ayaa lagu soo qaaday arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dowlada cusub.

Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya C/wali Gaas oo hogaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka ayaa sheegay in madaxdi uu la kulmay ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama.

“Waxaan warbixin ka siiyey arimaha Soomaaliya iyo isbadalka iyo horumarka la sameeyey, waxaan kale oo aan u sheegnay waxa aan u baahanahay iyo waxa ay mudantahay in nalaka caawiyo, maadaama dowlad taam ah la helay waxaan kala hadlanay in wax laga badalo qaabki ay aduunyada ula macaamili jirtay Soomaaliya sida dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya,”

Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee UN waxaan shirkaas goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon iyo Mahiga, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowlada Soomaaliya iyo QM, iyadoo dib u eegisna lagu samayn doono qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada Rasmi ah.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa maanta inuu ka qayb galo kulan gaar ah oo diirada lagau saarayo arimaha Soomaaliya waxaana kulankaas shir gudoominaya Xooghayaha Guud ee QM iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana kulankaas looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo Amniga, Ra’iisul wasaaraha ayaa bari kulan laqaadan doona madaxweynaha South Africa Jocab Sumu, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doonaa shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here