Shir looga hadlaayay muddo kordhinta AMISOM oo Muqdisho ka dhacay

Waxa shaley magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlaayay muddo kor dhinta ciidamada midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Shirka ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo xubno ka socday Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ahaa mid alaabada uu xiran yahay saxaafaddana ay banaanka ka joogto.

Shirka ayaa looga hadlay siddii dib u eegid iyo muddo kordhin loogu sameen lahaa howsha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

AMISOM oo Soomaaliya timid sannadkii 2007-da ayaa mudada sharciyadda ah ee ay u heystaan ka howlgalidda Soomaaliya waxa ay ku egtahay 7-da bisha March ee soo socota.

Dhinacyada shirka ka qaybgalay ayaa gebagabadiisa isku raacay sidii loogu gudbin lahaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay codsigaasi muddo kordhinta.

Waxa kaloo shirka looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa maamul u sameynta gobolladii dhowaan laga saaray Al-Shabab iyo dhaqancelin loo sameeyo dhallinyaradda ka soo goosatay Al-Shabaab.

Danjire Mahiga ayaa kulanka ka sheegay in ay Qaramada Midoobay ka taageereyso dowladda Soomaaliya waxyaabaha ay u baahan tahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here