ADDIS-ABABA:shirka madaxda IGAD oo soo gaba-gaboobay

Waxaa goordhow magaalada Adis-Ababa ee xaruunta dalka ethiopia kusoo gaba gaboobay shir ay lahayeen madaxda IGAD, kaasoo diirada lagu saarayay arimaha dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo socday mudo hal maalin ah, ayaa Soomaaliya waxaa uga qayb galay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, oo Khudbad dheer ka jeediyay halkaas.

Madaxweynaha ayaamadaxda IGAD ee shirka kasoo qayb gashay ka codsay in ay taageeraan qorshaha siyaasada doowlada, islamarkaasna aan lagu soo faragilin arimaha gudaha, iyo maamul u samaynta gobolada dalka.

Madaxda urur goboleedka IGAD oo iyagana goobta kahadlay, ayaa si diiran usoo dhaweeyay codsigamadaxweynaha, waxayna isku wada raaceen in lasii dar dargiliyo qorshaha xasilinta Soomaaliya iyo guulihii dhawaan laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilowgii khudbadiisa ka sheekeeyey asaaskii urur goboleedka IGAD kaas oo la asaasey sanadkii 1986, Soomaaliya ay qayb libaax leh ka qaadatey asaaskiisi, Madaxweynhya ayaa sheegay in sanadkii 1995 magaca laga beddalay Urur Goboleedkan oo halkii uu ahaa IGADD loo beddalay IGAD iyada oo laga saarey Drought, Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimo aad u badan oo hurmar ah urukaani gaarey muddadii uu jirey.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadley muddadii 8 bilood ahayd ee uu xilka hayey waxyaabihii u qabsoomey ee ay xasiliyeen isaga oo qodobo u kala qaadey.

Amniga ayuu sheegay in horumar ballaaran laga gaarey iyada oo Ciidanka Qaranka Soomaaliya kaashanayo saaxiibadiisa AMISOM iyo Itoobiya ayey jabsheen Ururka al-Shabaab, waxaana ciidamadu xaqiijiyeen in dadka Soomaaliyeed dib ugu soo laabteey guryahoodi ay ka qaxeen, waxaa dalka ka socda maalgashi aad u ballaaran. Madaxweynaha ayaan meesha ka saarin in Amnigu weli yahay Quraarad ama dhalo, xalkuna maaha keliya in xoog lagu dayo ayuu yiri.

Samaynta Qorshaha Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya ayaa ka hadalkiisu ka soo bilowdey dalka Kenya, Naivasha sanadkii 2011 August, Waxaana qalinka lagu dugay sanad kadib, qaar kamid ah dalalka IGAD ayaa aaminsan in qorshaha xasilintu uu ahaa mid waqti badan laga soo shaqeeyey, Dowladda hadda jirtana laga doonaayo in ay raacdo qorshihii ay saxiixdey Dowladdii ka horeysey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

  1. Comments (2 posted):
    cand- on 03 May, 2013 04:39:54

    s/c/w/w. xasan sheekh waan garanay ee

    cabdifataax wa’ayo ?
    cummar cadaawe on 03 May, 2013 05:29:53

    Yusuf Garaadow,Yaa Mudan in la eedeeyo Marwo Fowziyo Aadan iyo Cabdikarim Guuleed?

    Yusuf Garaad ayaa Qoraal laga dhadhansan karo neceb qabiil oo uu u qabo wasiiradda arimaha dibadda ee Soomaliya Marwo Fowziya Xaaji Aadan iyo in uusan u diirnaxayn dadka Sh. Hoose soo dhigay bartiisa facebook.

    Yusuf Garaad ayaa kaga hadlay Qoraalkaas dhibaatada haysata dadka Soomalida ee u safra dalka Kenya iyo baaritaanada joogtada ah ee lagu sameeyo, isagoo ugu baaqay Dowladda Soomaliya in ay wax ka qabato, hadalkaas oo ku dhacaya wasaarada arimaha dibadda iyo wasiirka arimaha dibadda oo masuul ka ah in ay wax ka qabato dhibaatada Soomalida ku soo gaarta dalalka dibadda.

    Waa wax wanaagsan in qofka Soomalida uu u damqado Soomali la dhibaateynaayo, fartana uu ku fiiqo cidii masuulka ka ah in ay wax ka qabato balse waxa is weydiin mudan: muxuu Yusuf Garaad uga hadli waayey dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaliyeed ee ku nool Gobolka Shabellada Hoose, uguna eedeyn waayey wasaarada arimaha gudaha ama wasaarada dhulbalaarsiga sida ay dadka qaar u yaqaanaan?. Miyeysan ka mudneyn Yusuf Garaad damqasho iyo u nixid dadka Soomaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan Maleeshiyada Beeshiisa ee ku sugan Gobolka Shabellada Hoose?. mise dhibaatada uu ka hadlayo ee dhinaca safarka ah waxa ku dhaliyay in uu ka hadlo waa xanuun uu isaga shakhsi ahaan dareemay?

    Soomalida ku dhibaataysan dalka Gudihiisa gaar ahaan Gobolka Shabellada Hoose ee ay masuuliyadeeda leedahay Wasaarada arimaha Gudaha aad ayey uga badan yihiin dhibaatada dadka Soomaliyeed loogu geysto Garoomada Kenya laakiin Yusuf Garaad waxa indha tiray qabyaalada, mana arko dhibaatada ay maleeshiyo beeleedka cidiisa ah ka wadaan Sh.Hoose iyo in uu ku eedeeyo wasiirka arimaha gudaha Cabdikarim Guuleed in uu wax ka qaban waayey arintaas.

    Sababtuna waxa ay tahay in Wasaarada arimaha gudaha iyo Cabdikariim Guuleed-ba ay yihiin rag ay beel wadaagaan, howsha ay wadaana ay tahay mashuuc beeleed oo Yusuf Garaad qeyb ka yahay, ayna tahay in uu indhaha ka daboosho.

    Ujeedada ka dambeeysa Hadalka Yusuf Garaad ayaa ah in ay indhaha bulshada Soomaliyeed uu ka jeediyo Eexda iyo nin jecleysiga uu Wasiirka arimaha Gudaha iyo gacanyaraashiisa sida; ninka la yiraaho Iidle ay ka wadaan Gobolka Shabellada Hoose kuna mashquuliyaan dhibaatada dhowr qof oo Soomaliyeed ku heysta diyaaradaha u kala goosha Muqdisho iyo Kenya taas oo aan qireyno in ay tahay arin laga gil gisho balse waxa keenay duruufta dhinaca amaanka ah.

    Haddaba, waxaan halkan ka cambaareyneynaa Hadalka jahwareerinta ah ee uu facebook wareejinaayo Yusuf Garaad, waxaana leenahay: Yusuf Garaadow hadii aad tahay Wadani Soomaliyeed oo ka nadiif ka ah qabyaalada, ka hadal dhibaatada ay Wasiirada Dhulbalaarsiga iyo Cabdikarim Guuleed ay ka wadaan Gobolka Shabellada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here