Shir la xiriira shirka London oo shalay Muqdisho lagu qabtay…Sawiro

Waxaa shalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaruunta UNDP lagu qabtay shir diirada lagu saaray dib usoo kabashada xaaladaha Bina aadaninimo ee  dalka Soomaaliya iyo arimaha shirka 7 bisha May ka furmaya  dalka Ingiriiska oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya iyo saraakiil ka socota hay’adaha Qaramada Midoobe ee dalka ku sugan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen hay’adaha NGO-yada Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, ayaa waxaa diirada lagu saaray dib usoo kabashada Soomaaliya, oo hada uun kasoo kabsaneysa dagaalo iyo dhibaatooyin 22 sano soo socday.

Maxamed Cabaade oo ka mid ah masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo xoojin lahaa soo kabashada  xaaladaha aadaninimo ee dalka Soomaaliya oo soo hagaagaya.

RaxmoDeeley, oo ah madaxa hay’ada SRDF, kana mid ahayd dadkii shalay kasoo qayb galay shirkaan ayaa tilmaamtay in daraasad lagu sameeyay xaalada dalka Soomaaliya, ay muujineyso in ay hada kasoo kabaneyso dhibaatooyinkii iyo dagaaladii mudada 22 sano ah ka socday.

Shirka shalay ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaaday arimaha shirka magaalada London uga furmaya qaybaha Soomaalida kaasoo taageero loogu raadinayo dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here