Waxaa magaalada London kusoo qul qulaya aqoonyahano, khubaro dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ah iyo madax ka socota ururada jaaliyada Soomaaliyeed eeku kala nool magaalooyinka dalka Ingiriiska kuwaas oo ka qeyb geli doona shir hal maalin soconaya oo Isniinta ka dhici doona Halka loo yaqaano West Minister ee bartamaha London, shirkaas oo cinwaankiisu yahay ‘OPEN FOR BUSSINESS’ sida ay sheegeen qaar ka mida qaban qaabiyeyaasha shirka oo war saxaafadeed soo saaray.
War saxafadeedka waxaa lagu sheegay in shirkan lagusoo qaadi doono ajendayaal aad u muhiim ah oo wax tar u leh horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo hada kasoo kabsanaya saameyntii ay ku reebeen dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa iyo argagixisanimo in ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay.
Ajendayaasha shirka waxaa ka mida:
1- Ganacsiga iyo dhaqaalaha
2- Sharciga iyo kala dambeynta
3- Caafimaadka
4- Wax barashada
5- Fursadaha dhalinyarada loo sameyn karo
6- Beeraha iyo Kaluumeysiga
7- Gaadiidka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha
War saxafadeedka waxaa lagu sheegay in Mr. Hugh Scott oo ah (Director of Africa Enterprise Challenge Fund) uu hogaamin doono dadka khudbadaha ka jeedin doona shirkan oo muhiimadiisa ugu weyni ay tahay in lagu dhiiri geliyo kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
By Shafi’i Mohyaddin Abokar
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com