Shir ka socda Muqdisho oo Xasan Sh & R/W Cabdiweli ka qeyb galayaan

Waxaa hadda uu kulan ka socdaa Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aden Cadde Airport waxaana kulankaasi ka qeyb galaya Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Shirkaasi ayaa la sheegay inuu yahay mid hordhac usii ah Shir dhawaan ka furmi doona Magaalada Caasimada u ah dalka Denmarka ee Copenhegan waxaana uu yahay mid looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga cusub ee New Deal ee dawlada Somaliya hormarka ay ku tallaabsatay iyo hamigeeda 2016-ka inta uu gaarsiisan yahay.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Shiikh oo xiisad siyaasadeed ay ka dhex aloosan tahay ayaa markii 6aad ku dhawaad is garab fadhiistay tan iyo guuxa iyo kala aragti duwanaashaha marka uu soo bilowday labo isbuuc ka hor.

dea_1

Shirka ayaa wariyeyaasha aan loo ogolaan inay wax ka ogaadaan oo banaanka ayey ka joogaan waxaase wariye xuuraansi sameeyey kuna sugan garoonka uu Midnimo.com u sheegay in Madaxweynaha & R/wasaaraha labaduba laga sugayo inay khudbad ka jeediyaan shirka oo ay kaga hadlaan Barnaamijka Hiigsiga Cusub.

Sidoo kale shirkaasi waxa goob joog ka ah Ergo ka kala socota Beesha Caalamka sida Midowga Yurub,Qaramada Midoobey,IGAD,Midowga Africa iyo Xubno laga casuumay Maamul gobolleedyada ka jira Dalka Soomaaliya.

Wixii faah faahino ee kasoo kordho shirkaan dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here