Ciidamo ishortaag ku sameeyay shir jaraa’id uu qaban lahaa musharax Prof. Jawaari

Ciidamo ka tirsan nabadsugida xafiiska raysul wasaarihii hore DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ishortaagay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa musharaxa jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaarey kadib markii ay diideen goobtii shirka jaraa’id uu ka dhici lahaa.

Goobta shirka lagu qaban lahaa ayaa ahayd dhisme ay lahayd shirkadii Somali Fruit oo ku dhow dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana sida qorsuhu ahaa shirkaasi jaraa’id uu dhici lahaa Galabnimadii shalay [Jimce] ka hor intaan la baajinin.

Warar aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow Prof Jawaarey ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugida ee la sheegay inay ka yimaadeen xafiiska C/weli Gaas ay ku wargeliyeen Prof Jawaarey inuu ka baxo dhismaha uu xilligaasi ku sugnaa halkaasoo uu rabay inuu shirka jaraaid ku qabto, waxaana sababta lagu sheegay in askarta ka timid xafiiska C/weli Gaas ay wateen amar ah in dhisme dawladeed aan loo adeegsan karin olole siyaasadeed oo gaar ah.

Intii buuqa iyo isjiid jiidku socday ayaa waxaa arinta deg deg u soo farageliyey ciidamo kale oo laga soo diray taliska nabadsugida kuwaasoo uu soo diray agaasimaha hay’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi kuwaasoo qabqabtay askartii joojisay shirka jaraa’id ee Prof Jawaarey. Illaa hadda lama oga sababta ciidamadan iska soo horjeeda ee ka wada tirsan nabadsugida ay ugu dhaqaaqeen tallaaboyinkaasi.

Xubno ku dhow Prof Jawaarey waxay waxay noo sheegeen in wixii shalay ka dambeeyay amaanka musharax Prof Jawaarey ay la wareegeen ilaalo gaar ah oo ka tirsan nabadsugida qaranka kuwaasoo loo sheegay in iyagu ilaalin doonaan musharaxa.

Musharaxa Prof Jawaarey oo hadda u taagan jagada afhayeenka baarlamaanka ayaa ah nin saameyn badan ku leh musharixiinta qaar, waayo waa siyaasi aad ugu dhexjiray arimaha dawlada kana soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool sidaasi darteed ayaa isa sharixidiisa waxay dhuun qabad ku tahay rag musharixiin ah oo hankooda xildoonka uu isagu halis ku yahay, waana taasi mida keentay in ilaalada gaarka ah ee nabadsugida la raacsiiyo.

Dadka arimaha siyaasadda wax ka sheega ayaa dhacdadan oo kale ku sifeeyay mid ka mid ah dhacdooyinka caadi ahaan loo arko xilliyada doorashada ee ay siyaasiyiintu dhexmaraan xifaaltan hoose oo mararka dambana laga heshiiyo.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya loolanka musharixiinta dhexdooda ee ku saleysan gorgortanka xilalka sare iyadoo saacadihii u dambeeyay ay soo bexeen is xulufeysi hor leh oo dhexmaray musharixiinta qaarkood. Waxaana hadda dhamaan musharixiinta ay diirada saarayaan jagada afhayeenka baarlamaanka oo ah barta ugu horeysa ee lagu kala bixi doono marka loo eego saddexda xil ee ugu waaweyn dawlada ee lagu kala qeybsado awood qeybsiga qabiilada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here