Dubai: shir looga hadlayo dhaqaalaha soomaaliya oo ….

Shir caalami ah oo Dubai ka furmay
Shir caalami ah oo Dubai ka furmay

Magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka carabta waxaa saakay ka furmay shirweyn caalami ah oo looga hadlayo wax soo saarka Soomaaliya ee xagga beeraha, badda Iyo xoolaha.

Shirka waxaa ka qaybgalay hey’addo caalami ah i madax ka socota maamulada Soomaalida iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Sidda ay sheegayaan qaban qaabiyaasha shirkan waxaa uu socon doonaa middo seddax maalin ah, waxaana looga hadlayaa sidda caalamka ay u maal gashan lahaayeen wax soo saarka Soomaalida.

Waxaa la filayaa in goobta ay ka hadleen dadka ka soo qaybgalay oo la soo bandhigi doono sidda looga faa’ideesan karo wax soo saarka Soomaalida.

Hay’adaha soo qaban-qaabiyey shirka ayaa sheegay in waxyaabaha ay dhoofiyaan ganacsatada Soomaalida ah sida xoolaha iyo muuska sanadihii ugu dambeeyey ay aad  u kordheen,  loona baahan yahay in loo helo suuq-geyn muhiim ah.

Ganacsato Soomaalida oo ka qeyb-galaysa shirka ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in shirku noqon doono mid sanadle ah si loo dhiirri-galiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo la qabto tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe sannadkii 1991-dii.

Soomaaliya waa dal uu illaah ku deeqay kheyraad dihan balse dadkiisa ayaa ka qaday oo aqoon u lahayn siddii looga faa’ideesan lahaa.

Akhriste siddee u aragtidaada shirkan, noo soo qor aragtidaada. Mahadsanid