Shir ay Muqdisho ku yeesheen Gudiga Wadajirka Amaanka Soomaaliya

Waxaa maanta xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Wadajirka Amniga Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen ergooyin ka kala socday Qaramada Midoobay, dowlada KMG Soomaaliya, Midowga Yurub, AMISOM, hey’ada IMO, iyo wakiilo ka kala socda maamulada Puntland, Galmudug iyo Ehlu Sunna Waljamaaca.

Waxyaabaha xooga lagu saaray ayaa ahaa amaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada ay ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa dowlada ka wadaan dalka iyo sidi raga kasoo goosta Al Shabaab ee kusoo biiro dowlada KMG Soomaaliya loogu sameyn lahaa dhaqan celin.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiiga oo kulan ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo sugo deeganada la xoreeyey iyo loo dhaqan gelin lahaa dhalinyarada kasoo laabato Al Shabaab.

Waxaa xusid mudan in marki ugu horesay ay kasoo qeybgaleen janaraalo ka socday ciidamada marineska Midowga Yurub ee hogaaminaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeedka ay Midowga Yurub ka wadaan xeebaha Soomaaliya ee (Atalanta).

Waxaa la filayaa in ergooyinki ka qeybgalay ay soo saaraan warmurtiyeed ay kaga hadlayaan kulanki maanta.