Shilal qasaaro sababay oo ka kala dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo

12 ruux ayaa ku dhaawacantay shilal saacadihi lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka kala tirsan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Shilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhaawacmay lix ruux kadib marki baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo ay la socdeen uu kula dogmaday duleedka magaalada Gaalkacyo.
Gaariga oo ka baxay Koonfurta Gaalkacyo ayaa kusii jeeday deegaanka Budhbudh oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana dadka dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka koonfurta Gaalkacyo.

Shilka labaadna wuxuu ka dhacay duleedka Boosaaso, kadib marki baabuur ay la socdeen dad safar ah uu kula qalbmay meel aanan ka fogeyn magaalada Boosaaso.

Sida ay sheegayaan goob joogayaasha, gaadigan ayaa kusii jeeday deegaanka Daroor oo hoos yimaada magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawaca qabay ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso oo loogu sameeyey gargaar caafimaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.