Shilal ay qasaaro kasoo gaartay dad ka badan 30 ruux oo ka dhacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda

Ugu yaraan 7 ruux  ku dhimatay 34 kalana way ku dhaawacmeen kadib sadex shil oo ka dhacay Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Shilki ugu qasaaraha badnaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho marki gaari meyd waday oo ay dad badana la socdeen rogmaday.

Baabuurka ayaa gadoomay marki uu daralka kaxeynayey fariinka ka waayey xilli uu kusii jeeday qabuuraha Iskool Buluusiya, waxa lagu sheegay gaariga nooca waaweyn ee Iska Rogayaasha inta badan lagu qaado naxashka meydadka.

C/raxmaan Yusuf Cabdi oo ka mid ahaa dadki u gurmaday ayaa xaqiijiyey in uu indhahiisa ku arkay afar ruux oo meyd ah oo sadex ka mid ah ahaayeen dad waaweyn.

Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Meyre Makaraan ayaa uga warbixiyey wariyaasha qasaaraha ka dhashay shilkaasi iyo wixi sababay.

“Baabuurkaan ayaa sida aad u jeedaan waxa uu waday meyd la rabay in lagu aaso Qabuuraha Iskool Buluusiya laakin waxaa qabsaday mucjiso rabaani ah, darawalki ayaa gaariga ka waayey fariin kadib waxa uu ku dhacay gaari dameer kadinna wuu rogmaday,”

Shil kale oo isna qasaaro xoog leh sababay ayaa ka dhacay deegaanka Taree Dishe ee duleedka magaalada Muqdisho marki baabuur Hoomey ah oo kasoo baxay deegaanka Kaxda uu ku dhacay gaari kale.

18 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, waxaa jira warar sheegaya in uu jiro qasaaro dhimasha ah hase yeeshee ma cada.

Shil kale oo sadexaad ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay isla deegaanada loo barakacay ee u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye, basle lama soo sheegin qasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here