Shil qasaaara sababay oo galabta ka dhacay Shabeelaha Hoose


Sadex ruux ayaa ku dhimatay 2 kalana way ku dhaawacmeen kadib marki gaari ay saarnaayeen uu kula qalibmay inta u dhaxeyso deegaanada Yaaqbariweyne iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar ka mid ah dadki la socday oo ka baxdaay shilka ayaa sheegay in gaariga uu wadada ka baxay marki si lama filaan ah uu meel goolad ah uga soo baxay baabuur kale taasi oo sababtay inuu gadoomo.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana shilki maanta uu ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee bilooyinkan danbe ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaadiidka rogmada ayaa ku badan Soomaaliya, waxaana loo aaneeyaa wadooyinka oo liita, darawalada oo aanan aqoon sharciyada gaadiidka iyo baabuurta oo loo kaxeeyo si xad dhaaf ah.