Shil khasaaro badan sababay oo duleedka Muqdisho…

shilShil gaari oo khasaaro geystay ayaa goordhaweyd wuxuu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaanka Garasbaleey.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay isku dhaceen gaari noociisa uu yahay Inataree iyo gaari kale oo Dyna ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro badan.

Qof goobjooge ah ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, wuxuu usheegay in dad badan ay geeriyoodeen, waxaana uu sheegay in ku dhawaad 5-ruux ka badan ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Dhaawacyada ayaa intaasi ka badan, waxaana goobta gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo gurmad lixaad ufidiyay, dadkii dhibaatada halkaasi kusoo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here