Shil khasaare Geystay oo ka Dhacay Muqdisho

Shil gaari oo khasaare geystay oo maanta waxaka uu ka dhacay Magalada Muqdisho .

3 carruur ah ayaa geeriyootay halka 2 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii gaari nooca Baraathaha loo yaqaano uu soo fariisan goostay.

Caruurtan geeriyootay ayaa la sheegay in xiliga uu shilku ku dhacayay ay kubadda cagta ku Ciyaarayeen goobta uu shilkaasi kula dhacay Gaari shilka geystay ayaa la sheegay in uu ahaa baraado .

Ciidamada Taraafikada ayaa goobta soo gaaray, Taliyaha ciidamadda Taraafikada Cali Gaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baarayaan sidii uu shilkaasi u dhacay islamarkaana ay gacanta ku hayaan ninkii waday gaarigaasi.

Taliyaha ilaalada Wadooyinka Muqdisho Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo Wareysi siiyay shabakada Midnimo kaib shilka ayaa sheegay in gaariga shilkaasi geystay uu waday Ruux aan wadi aqoon Gaariga sidaasi darteena ay kaliftay in uu dhaco Shilkaasi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Gaarigii shilka geystay iyo Darawalkii waday isgoo intaasi ku daray in ay Maxkamadda horgeyn doonaan lana waafajin doono taalo la,eg dambigii uu galay.

Inta badan shilalka dhaca ayaa waxa loo aaneeyaa Wadayaasha Gaadiidka oo aan leheyn Xirfad ku filan iyo sidoo kale bur bur ka ka jira Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here