Shil Gaari oo Sababay khasaaro ayaa ka Dhacay Wadada Maka Almukarama

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ahayd uu shil gaari ka dhacay wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qof goob joog u ahaa shilkan dhacay ayaa Warbaahinta Barigaafrika.net u xaqiijiyay in Gaari Nooca Raaxada ee loo yaqaano Carib uu ku dhacay gaari weyn oo yaalay wadada dhinaceeda, waxaana uu qofkan gob joogaha ah intaasi ku daray in 4 qof oo la socotay gaariga yar ee raaxada ay dhaawacyo culus gaareen.

Gaariga yarka ayaa la sheegay inay wateen 4 dhalinyaro ah, iyadoo wadihii gaariga iyo mid ka mid dhalinyarada dhaawacyadooda ay yihiin kuwa halis ah.

Ciidamada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa soo gaaray goobta uu shilka ka dhacay, waxaana ay isla marki ka qaadeen baabuurki yaraa ee bur buray, kaasoo wadada isku socodkeeda xanibay mudo daqiiqado ah.

Bilihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay shilalka ka dhaca wadooyinka Magaalada, waxaana taasi loo aaneynayaa magaalada oo la ciir ciireysaa gaadiid fara badan oo nooca raaxada, taasoo ka dambeysay amaanka yar ee laga helay caasimada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here