Shil gaari oo sababay dhimasho & Dhaawac oo duhurkii ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta duhurkii uu shil ka dhacay Agagaarka Isgoyka Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxa la sheegayaa in gaari nuuca Xamuulka qaada ah uu ku fariin goostay Goob Maqaayad dad badan joogeen oo ku taalla Ex control Afgooye.

Qof ka mid ahaa dadkii goob jooga shilkaasi ayaa sheegay in 3 qof ay dhinteen 7 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyada qaar oo aad u cuslaa loola cararay goobaha Caafimaadka.

Dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ayaa ahaa baa la yiri dad ka cunteenayey Maqaayada uu gaariga rarka siday uu ku fariin goostay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here