Shil Gaari Oo Dhaliyay Dhimasho&Dhaawac Oo Caawa ka Dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe.

JInta la Ogyahay laba Ruux  ayaa ku Geeriyooday 12 Laba iyo Toban kalana wey ku dhaawacmeen Shil Gaari oo caawa ka dhacay Deegaanka shimbiraale oo u dhexeya magaalada muqdisho iyo Degmada Aadan Yabaal ee ka tirsan Gobolka shabellaha dhexe.

Wariye Abshir muuse Salaad Oo Ka Mid ah Suxufiyiinta Ka Howlgala Idaacada Asal ayaa waxa uu soo sheegay saacado ka Hor isaga oo ku Sugan Gudaha Cusbitaalka INTERSOS Ee Magaalada jowhar in dhaawacyada ay hada Ugurmanayaan Dhaqaatirta Hospitaalka INTERSOS hase ahaate Wariyaha ayaa sheegaya in 10 toban ka mid ah Dhawacyada ay hada xaaladooda ay Aad u liidato.

Shilka Gaari ayaa la sheegayaa in uu yimid ka dib markii Gaariga Rogmaday ay is Ceyrsanayeen Gaari kale oo ay kuwada Jeeden magaalada muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya.

Waxii war ah ee Ka Soo Kordha wararkani Waxaan Idiin balan qaadeynaa in aan idiinkugu Soo Gudbin Doono isla shabakada wararka Midnimo.com Insha allah.

1 COMMENT

  1. Inaa Lilaah Waa Arin Mucjiso Ah Inta Dhimatay Janatul Firdowsa Ayaan Ugu Baryeyna Inta Hada Xaalada Daran Ku Jirtana Ilaah Ha Bogsiiyo Intaas Ka Dib Inkastoo Ay Ahaayeen Wax Qoran Balse Waxaan Dhaliilayaa Darawalada Kaxeeysa Gaarida Waxana Ku Dhaliilayaa Toona Kale Waa Qayru Masuul Nimo Ma Oga Miyaa Inay Ka Masuul Yahay Inta Saaran Gaarigas Lana Weydiinayo Wax Allaale Waxa Ku Dhaco Shacabka Marka Ka Waantooba Ayan Dhihi Lahaa Toona Kale Midka Kaxeeynayow Gawaarida
    By Faransa Xaaji Faransa {Jowhar}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here