Shil gaari oo ay ku dhaawacmeen wasiiro Somaliland oo ka dhacay Berbera

Shil gaari oo ay ku dhaawacmeen wasiiro Somaliland ka tirsan
Shil gaari oo ay ku dhaawacmeen wasiiro Somaliland ka tirsan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay shil gaari oo ay ku dhaawacmeen labo wasiir oo ka tirsan Somaliland.

Wasiirada ku dhaawacmay ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa gacanta midig ka dhaawacmay, ka dib markii gaarigii uu watay ay isku dhaceen Gaarigii uu watay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

Dhawaaca wasiirada ayaa la geeyay cisbitaalka magaalada Berbera halkaasoo labaduba la dhigay, waxaana dhaawacooda la tacaalaya takhaatiirta Isbitaalka Berbera.

Wasiirka warfaafinta oo saxaafadda kula hadlay gudaha isbitaalka ayaa sheegay in u hada xaaladiisu ay wanaagasan tahay waxaaba uu la hadlaayay dadakii soo booqanayay iyo dhakhaatiirtii caawinaysay.

Sidoo kale shilka waxaa ku dhintay Hadaba Caaqil Cabdi Hadoodil, waxaa kaloo ku dhaawacmay Cawil Maxamaed oo ahaa askarigii gaarka ahaa ee wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here