Shiinaha oo dhisaya goobo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa ballan qaaday dhismaha goobo muhiim ah oo ku yaala dalka Soomaaliya.

Isagoo lahadlaayay wakaalada wararka Shiinaha Xinhua,Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , wuxuu ballan qaaday in dalkiisa uu dhawaan ka billaabi doon Soomaaliya dib u dhiska goobo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya.

Goobaha la dhisayo waxaa ka mid wadada xiriirisa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burco, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , ayaa ku celiyay in Shiinaha uu diya

ar la yahay dib udhiska dalka Soomaaliya, maadama 23-sanno dalka ku yaalla geeska Afrika ay ka dhaceen dagaalo sokeeye.

1

 

2

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Fawzia Yusuf Xaaji .Aadam ayaa sheegtay in dhammaan wax yaabaha ay kala hadlay Shiinaha ,dib u dhiska ,gaadiidka badda,dekedaha iyo tamarta..

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda China ay la soo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya , kaasoo ay qeyb yihiin dib u dhiska wadada xiriirisa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burco, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale .

Shiinaha isaga ayaa dhisay qaar ka mid ah goobaha ay kormeereen maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here