Shiikh Shariif oo qaabilay qaar kamid ah danjirayaasha Muqdisho ku sugan

Madaxweynihii hore ee Doowlada KMG Soomaaliya haatana ah musharax, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay qaar kamid ah danjirayaasha ku sugan Caasimadda, taasoo qeyb ka ah ololihiisa doorashada.

Shiikh Shariif, ayaa la kulmay Qunsulka Doowlada Masar u fadhiya Muqdisho Tamer Safwat El-Mahdi, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya iyo Doorashooyinka la filayo ineey dhawaan ka dhacaan dalka.

proxy

Shariif oo dhawaan soo gaaray Muqdisho, ayaa isbuucii hore xaflad weyn oo ka dhacday Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho, ku shaaciyay inuu yahay musharax madaxweyne islamarkaasna u taagan inuu markale dalka Hogaamiyo.

Shariif, ayaa si is dabajoog ah u qaabila maalin walbo Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo, waxaana saameyntiisa durbaba si aad ah looga dareemay Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here