Shiikh Shariif oo Ka Hadlay Arinta Badda

shariifkaShiikh Shariif Shiikh Axmed, oo ah musharax markale u taagan inuu hogaamiyo dalka Soomaaliya, ayaa si aad ah isaga fogeeyay arinta Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Shariif oo xalay ka qeyb qaadanayay barnaamij dood ah ah oo ka baxay Telefishinka Somali Cable, isla markaana su’aalo lagu weydiiyay ayaa mid ka mid ah su’aalihii la weydiiyay aheyd arrinta Badda ee muranka badan dhalisay iyo walaaca Shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen in Badda Soomaaliya qeyb ka mid ah Kenya la siiyay.

Mr Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in aanay jirin Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay midna, isagoo xusay in arrintaas oo dhan la siyaasadeeyay, isla markaana lagu soo aadiyay markii uu dalka ku soo laabanayay sida uu yiri.

“Marka ugu horeysa heshiiska is fahamka ee la saxiixay, cid akhrisay ma idinku jirtaa, ma waxaa ku jirta Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay, waxaas oo dhan waa la siyaasadeeyay, Baddan marka aan imaanayay soo baxday oo dadka oo dhan la abaabulay maxay tahay, sheekadan siyaasad waaye, Ra’iisul Wasaaraha idin jawaabay, Wasiirka idin jawaabay, anigana maba arkin warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixay ma ogeyn, hadey fiican tahay, dadkaas is ka leh, hadey xumaatana ayagaa leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Shariif ayaa sheegay in heshiiskii is fahamkaa uu Soomaalida xaq u siinayo qadiyadeeda in dacwada lagu wareejiyo Maxkamadda Hague, isagoo xusay inay ku jirto fursad ah in Maxkamadda aqbasho dacwada labada dowladood, maadaama ay ku heshiiyeen inay arrinta badda ka wada hadlaan, isagoo intaa ku daray arrinta badda inay soo bilaabatay sanadkii 2005-tii, balse aanay aheyn 2009-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here