Shiikh Shariif oo isna ololihiisa doorashada kasoo bilaabaya Baydhaba

sheikh shariifKadib markii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Jibriil oo ah musharixiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ay ololahooda doorashada ka bilaabeen Baydhaba, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shiikh Shariif uu isna maalmaha fooda nagu soo haysa uu halkaas ku wajahanyahay.

Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo horay u tegay Baydhabo si weyna loogu soo dhaweeyay, ayaa waxaa maalmo yar kadib ka daba tagay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh.

Shiikh Shariif oo isna markale u taagan inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sida aan xogta ku heleyno kawarsugaya, inta uu Xasan shiikh kasoo laabanayo, si uu isna halkaas uga bilaabo ololihiisa doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here