Shiikh Shariif oo durbaba culeys siyaasadeed ku bilaabay Madaxweyne Xasan & kooxdiisa-Sawiro

13096127_1291625770866866_1873559669893535990_nMadaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Kulamadaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo ahaa kala war qaadasho, waxayna ahayd markii labaad ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo C/weli Gaas ay kulmaan muddo bil gudaheed ah, iyagoo dhowaan kulan ku yeeshay dalka Sacuudiga, laakiin waxaa markan la socday Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

13138784_1291625964200180_3398966732158663861_n 13139145_1291625924200184_7812810306067207218_n

Labada kulan ayaa ahaa kuwo ay albaabada u xiran yihiin oo ka dhacay Hotelka Kambiski oo xiligaasi ay wada deganaayeen madaxda Soomaalida oo dhan, sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale.

Madaxweynaha hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa Jabuuti u tagey ka qeybgalka caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadad Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna wacadarro ka dhigay Hotelka ay deganaayeen madaxda Soomaalida iyo ajnabiga ah isagoo qaabilaadiisa saf loogu jiray, halka madaxweyne Xasan Sheekh aanay jirin cid dhinaciisa u socotay.

13139152_1291626000866843_2024191796599712675_n 13177222_1291625564200220_483689598232756720_n

Shariif Sheekh Axmed oo mar kale u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa la dareemayaa inuu culeys weyn ku leeyahay Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, taasoo aanu ku farxin madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo Xasan Sheekh Maxamud oo raadinaya inuu dib u soo laabto, wuxuuna xaqiiqsaday miisaanka uu yeelan karo Shariif Sheekh Axmed.

13177761_1291625870866856_7009498931217614240_n

Xigasho: Goobjooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here