Shiikh Shariif oo AMISOM ka dalbaday ineey amaankiisa sugaan

shariifkaSida laga soo xigtay sarkaal sare oo AMISOM katirsan, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ahna musharax markale u taagan inuu qabto jagada ugu sareysa dalka, ayaa AMISOM ka dalbaday ineey sugto amaankiisa, inta uu ku gudo jiro ololihiisa Doorashada Muqdisho.

Shiikh Shariif, ayaa la sheegay inuusan ku kalsooneen ciidamada DF islamarkaasina uu shaki weyn ka qabo dhinaca kooxda Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu loolan xoogan ka dhaxeeyo.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa, ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay markale usoo laaban lahaayeen, waxaana ay wadaan olole ay ku cabsi galinayaan garabyada uu loolanka kala dhaxeeyo.

AMISOM, ayaa Shiikh Shariif u ballan qaaday ineey amaankiisa sugi doonaan, islamarkaasna sharciyadooda ay u ogolaaneyso ineey sugaan amaanka masuuliyiinta xilalka sar sare dalka kasoo qabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here