Shiikh C/qaadir Gacameey Oo Garowe Lagu Dilay Iyo Ninkii Dilay Oo La Qabtay

Wararka ka imaanaya magaalda Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in goor dhaweyd magaalada lagu dilay Sh. C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ka mid ah culimada ugu caansn Soomaaliya.

Sh.C/qaadir Gacamey ayaa nin hubeysan uu ku toogtay isagoo salaadda casir ku dukanaya masjid yar oo ku yaalla meel u dhow gurigiisa.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ninka shiikha toogtay oo isku dayey inuu goobta ka baxsado ayaa waxaa gacata ku soo dhigay qaar ka mid ah dadka xaafadda oo u gacan galyey ciidmaada amaanka ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in ninka weerarka geystay uu dhaawacay laba qof oo ka mid ahaa dadkii ku guuleystay inay soo qabtaan.

ALLAHA unaxariistee, Shiikh C/qaadir ayaa aad uga soo horjeeday Afkaarta Al-shabaab, waxa uuna dhowr mar soo jeediyay muxaadarooyin ka dhan ah Al-shabaab.

Sidee loo qabtay Ninka Shiikha Dilay:

Mid kamid ah dadkii wax ka qabtay ninka Shiikha dilay ayaa warbaahinta usheegay, in mar qura ay ku baraarugeen Dhawaaqa Xabada iyo orodka nin uu ku tilmaamay in uu 19sani jir yahay kaasi oo waqtigii uu ordayay Xabado sii ridayay si aysan dadku gacanta ugu dhigin kadib markii uu dilay Shiikh c/qaadir.

“ Anagoo xabada maqleyna ayaa waxaan aragnay nin gacmaha ku sita 2ba biskoolado aadna u neef tuuraya uuna eryanayo wiil uu dhalay sheikh C/qaadir kaasi oo lahaa ii qabta wuxuu dilay aabahay, markii baan ninkii dhinacyada ka marnay inagoo badan oo dhawr dhalinyaro ah wuxuu nagu riday rasaas badan waxaana ku dhaawacmay haween oo xabadu caloosha ka haleshay wiil ay lugta kaga dhacday iyo mid kale oo isagana ay gacanta ka heshey xabadu, waxaan isku taxluujinay in uusan naga fakan alle ayaa inoo hiiliyay oo rasaastii baa ka dhamaatay kadibna waan qabanay oo dhalinyaradii baa caradii kula dul dhacay oo dhagxaan la dhacay isagoo qeylinaya”, ayuu Yiri Mustafe oo kamid ahaa dadkii goob jooga ahaa.

Taariikhda Shiikh C/qaadir Gacameey:

Shiikh C/qaadir Gacameey, waxa uu kamid ahaa Culimada Soomaliyeed gaar ahaan Tayaarka loo yaqaano “Salafiga”, sidokale Shiikha waxa uu ilaa heer aqoon sare ka gaaray barashada shareecada Islaamka ilaa heer Jaamacadeed.

Sanadkii 1974 ayuu shiikha kasoo baxay Jaamacada islaamiga ah ee Madina ee wadanka Sacuudiga.

ALLAHA unaxariistee Shiikh C/qadir Gacameey ayaa kamid ahaa Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay Nabadeynta gaar ahaan deegaanada Puntland.

Halkaan Hoose Ka dhagayso Taariikhda iyo waxqabadka Shiikha.

20ab5bf1-cc8f-4f59-9041-58a2c5fda072

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here