Shiikh Caan ahaa oo lagu dilay Baydhabo

ASTAANTA-BASTOOLADAKoox ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxay xalay ku dileen Magaalada Baydhabo Wadaad Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Shiikh Shariif Cali Nuur (Siidkeey).

Marxuumka ayaa marka la dilayey ka hor waxa uu Salaada Maqribka kusoo tujiyey Jameecada Masjid ku yaalla Magaalada Baydhabo bartamaheeda iyadoo dilka Shiikh Siidkeey ay badankood dadka Reer Baydhabo ka naxeen.

Lama oga sababta loo dilay Wadaadkaasi iyo Cida ka dambeysa dilkaasi.

Maamulka Dawlada iyo Maamulka K/Galbeed Somaliya ayaa waxay labaduba sheegeen inay ku raad joogaan soo qabashada kooxdii dishay Marxuum Shiikh Shariif Cali Siidkeey oo maanta Meydkiisa lagu wado in isla Baydhabo lagu Aaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here