Shiikh Bashiir:Shacabka Soomaaliyeed Ha’ilaashadaan Culimadooda

Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay difaacdaan Culimadooda.

“Waxaa loo baahanyahay in Soomaalida diinteeda iyo Culimadooda difaacato oo ay ku fara adeeygaan” ayuu yiri Shiikh Bashiir.

Sidoo kale sheikh Bashiir, waxa uu baaq usoo jeediyay doowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ineey u midoobaan ilaalinta Culimada iyo ineey la dagaalamaan dadka caadeystay dhibaateynta Culimada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay badiyaan baryada ALLAAH, islamarkaasna ay habaaraan kuwa dila culimada iyo waxgaradka ummadda Soomaaliyeed.

Hadalka Shiikh Bashiir ayaa imaanaya kadib markii maalinimadii doraad magaalada Garowe uu nin hubeysan ku toogtay Shiikh Caan ka ahaa wadanka Soomaaliya ee deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here