Shiikh Aadan Xeefow oo ugu baaqay shacabka Ceelbuur inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee uruka Ahlu Sunna waljamaaca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay degmada Ceelbuur inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Shiikh Maxamed Xeefow oo ku sugan degmada Ceelbuur oo gelinkii dambe ee shalay ay la wareegeen gacan ku  hayteeda ciidamada Ahlusunna ayaa sheegay in xaalada degmada Ceelbuur ay tahay mid degen isla markaana ay wadaan kulamo ay la yeelanayan waxgaradka degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha golaha fulinta ayaa waxa uu u ballanqaaday shacabka reer Ceelbuur inaysan wax dhibaato ah la kulmi doonin ammaankoodana la sugi doono.

Shiikh Maxamed Xeefow waxa uu sheegay in dhammaan deegaanada ay la wareegeen ay  u samayn doonaan maamulo hoos taga ururka Ahlusunna oo ka kooban dad deegaanka.

Wararka ka imanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in ciidamada Ahlusunna ay ka wadaan gudaha degmada Ceelbuur howlo miino baaris ah iyagoo ka cabsi qaba in ururka Alshabaab halkaas uu ugaga tegey miinoyin.

Inta badan dadkii ku noolaa magaalada Ceelbuur ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka barakacayay kadib markii ay isa soo tareen duulaanka degmadaas ku wajahnaa.

Ciidamada  Itoobiyanka ah  ayaa magaalada Ceelbuur ka degay labo goobood oo laga soo galo, halka ay ciidamada Ahlusuna ay gudaha magaalada fariisimo ka samaysteen.