Shevchenko oo taageeray Roberto Di Matteo

Weeraryahanki hore ee kooxda Chelsea Andriy Shevchenko ayaa rumeysan inuu noqon doono macalinka rasmiga ah ee kooxda hadii uu ku guuleysto koobka Champions League Sabtida soo aadan.

Shevchenko, oo ah  35 jir ayaa usoo ciyaaray Chelsea sadex sanadood walina waxa uu saaxib dhaw la yahay milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

Xidiga dalka Ukraine ayaa u sheegay BBC Sport in Roberto di Matteo uu heysto fursad wanaagsan oo uu mustaqbalka ku badali karo, isaga oo intaasi raaciyey in hadii ay guuleysato finalka uu u qalmo in laga dhigo macalinka rasmiga ah maadaama haatan uu yahay kumeel gaar.

Shevchenko haatan waxa uu u ciyaaraa kooxda Dynamo Kiev, halkaas oo uu kasoo bilaabay xirfadiisa ciyaareed sanadki 1994, waxaase uu kusoo caanbaxay kooxda AC Milan oo uu mudo 7 sano ah ka tirsanaa.

Chelsea ayaa wajaheysa Bayern Munich ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka Horyaalada Yurub taasi oo Sabtida soo aadan ka dhici doonta garoonka Bayern ee Allianz Arena.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.