Sheekooyin ku saabsan suuqa kala iibsiga oo xalay saqdi dhexe soo xirmay

Xalay saqdi dhexe waxaa ku ekeyd bisha Janaayo, sidoo kalana waxaa ay aheyd waqtigi ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Yurub, sidaasi daraadeed waxaaka kubada cakta waxay isku boobeen ciyaartooyda ay kala gadanayeen.

Maqaalkaan waxaan idinkugu heynaa warar koo kooban oo ku saabsan ciyaartooyda xalay iyo shalay la kala iibsaday.

* Manchester City ayaa lasoo wareegtay laacibka qadka dhexe ee kooxda Roma David Pizarro kaasi oo si amaah ah ugu ciyaari doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa sheegtay in xidigaan u dhashay dalka Chile kana ciyaara qadka dhexe uu ka anfici doono waxna ka tari doono dhinaca qadka dhexe, hadii ay ka helaanna ay si toos ah u iibsan doonaan.
Pizzaro oo 32 jir ah ayaa waxaa horay tababare ugu soo noqday macaliin Roberto Mancini xilligaasi oo ay isla joogeen kooxda Inter Milan sanadki 2006 oo ay wada qaadeen horyaalka Talyaaniga.

Wuxuu ku biiray Roma bishi August 2006, isaga oo u saftay 142 .

* Kooxda West Ham United ayaa soo iibsatay laacibka da,da yar ee naadiga Manchester United Ravel Morrison kaasi oo aanan wali la shaacin qiimaha ay ku gadatay.

18 jirkaan ka ciyaara qadka dhexe ayaa saxiixay heshiis sadex sano iyo bar ah, goor hore oo shalay ah ayuu diiday inuu ku biiro kooxda Newcastle United oo dalbatay horaanti bishi aanu kasoo gudubnay.

* Arsenal ayaa heshiis dheer la saxiixatay laacibka qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund  ninka lagu magacaabo Thomas Eisfeld.

Eisfeld, oo 19, jir ayaa ka ciyaari kara dhowr boos waxaana uu mudo 7 sano ah ku jiray akadeemiyada tababarka Dortmund halkaas oo uu kusoo barbaaray, sidoo kale waxa uu ahaa kabtanka xulka Jarmalka ee da,doodu ka hooseyso 15-ka sano.

Macalinka Arsenal manager Arsene Wenger ayaa ku sifeeyey Thomas nin culus oo wax weyn kusoo kordhin kara.

* Manchester United ayaa kala soo wareegtay kooxda ay xafiiltamaan ee Man City Frederic Veseli kaasi oo ah 19 jir u dhashay dalka Switzerland.

Veseli ayaa ku biiray City sanadki 2008 markaas oo uu kaga soo wareegay Lausanne Sport waxa uu ahaa kabtanka xulkiisa sanadki 2009 ciyaarihi aduunka ee laacibiinta k yar 17 jirada.

* Tottenham ayaa ka iibisay weeraryahankeeda Roman Pavlyuchenko kooxda Lokomotiv Moscow  oo ka dhisan dalka uu kasoo jeedo ee Russia.

30 jirkan ayaa u saxiixay kooxda sanadki 2008 ku wareegay Tottenham oo markaasi kaga soo biiray Spartak Moscow, mudadi uu la joogay wuxuu saftay 113 kulan waxaana uu dhaliyey 42 gool.

* Louis Saha ayaa iska xaadiriyey kooxda Tottenham kadib marki uu ugu biiray waxa loo yaqaano Beeca Xorta ah.

Ninkaan kasoo jeedo dalka Faransiiska ayaa saxiixay heshiis sadex sano iyo badh ah, isaga oo kasoo tagay kooxda Everton.

* Milan ayaa si lama filaan ah ula soo wareegtay laacibka da,da yar ee dalka Brazil Lucas Roggia kaasi oo ay si amaah ugu ciyaari doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan.

Roggia, oo heysta baasaboorka dalka Talyaanihga ayaa waxaa wakiil ka ah ninka caanka ahh ee lagu magacaabo Mino Raiola, waxa uu ka mid ahaa ciyaartooydi Milan ka hor timid diyaargaroowgi xilli ciyaareedkaan koobka Audi Cup oo ka dhacay magaalada Munich.

Waxaa la rumeysan yahay in uu mudo sanad ah uu lasii joogi doono Milan sida ay sheegayaan wararka, waxaana 21 jirkaan ka ciyara qadka dhexe uu wax ka tari doonaa Milan oo la tiiceysa dhibaatooyin dhinaca qadka dhexe ah.

* Inter ayaa xaqiijisay in ay kooxda PSG ka iibisay laacibkeeda qadka dhexe ninka lagu magacaabo Thiago Motta kaasi oo maalmahanba la hadal hayey inuu aadi doono kooxdaasi ree France.

Hadal ay labada koox Inter iyo Paris Saint-Germain shaaciyeen ayaa lagu sheegay in Motta oo kasoo jeedo dalka Brazil asliyan balse qaatay dhalashada Talyaaniga ayaa saxiixay heshiis sadex sano iyo bar ah, waxaana sanadkiiba uu mushaar u qaadan doonaa €2m.

* Dhanka kale kooxda Inter ayaa badalka Motta lasoo wareegtay waxaana ay heshiis la gaartay laacibiinta kala ah Fredy Guarin iyo Angelo Palombo.

* Sulley Muntari ayaa ku biiray kooxda AC Milan isaga oo kasoo wareegay kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan shalay gelinki danbe, waxaana uu Rossoneri ugula biiray heshiis amaah.

27 jirkaan heerka caalami ayaa la rajeynayey inuu si toos ah uga tagi doono Inter laakin amaah ayey ku bixiyeen, waxa hada uu ku maqanyahay ciyaaraha Africa oo xulkiisa Ghana halkaasi ka ciyaarayo.

Laacibkaan oo xili ciyaareedki lasoo dhaafay abaah ku qarashgareeyey Sunderland, Inter waxa uu kaga yimid Portsmouth sanadki 2008.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.