Sheeko ku saabsan xaaska ugu da,da yar xaaski uu ka dhintay Osama Bin Laden

Xaaska ugu yar sadexda xaas ee uu ka dhintay hogaamiyihi hore ee Shabakada Al Qacida Osama Bin Laden ayaa shaacisay in ay u dhashay afar caruur ah inti uu dhuumaaleysiga ku jiray hogaamiyaashi 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah caruurta ayaa ku dhashay Isbitaalo ay leedahay Dowlada oo ku yaala gudaha Pakistan halkaasi oo uu Osama Bin Laden u baxsaday marki uu dhacay weerarki 9/11.

Amal Abdulfattah, oo ah 29 jir ayaa sheegtay in qoyskeeda ay u guureen dhowr jeer meelo kala duwan oo Pakistan ah ka hor inta aysan si rasmi ah u saldhigan magaalada Abbottabad, halkaasi oo ay ciidamada Mareykanka ku dileen Bin Laden bishi May ee sanadki hore.

Amaal Abdulladhiif oo ah haweeneey u dhalatay dalka Yemen ayaa lugta ka dhaawacantay inti uu socday howlgalkilagu qaarijiyey Bin Laden, laakin haatan way kasoo kabsatay dhaawaci soo gaaray.

Waxay sheegtay in ay mar walba jecleyd marki ay yareyd in ay guursato nin mujaahid ah oo ku wanaagsan dagaalada Jihaadiga ah, waxayna nafteeda u hibeysay Bin Laden sanadki 2000.

Waxay kula nooleyd labada xaas ee Osama xarunti hore ee Al Qacida ee Kandahar, Afghanistan, halkaasi ayeyna ku dhashay canugeedi ugu horeeyey oo ah Saifa.

Kadib weeraradi 2001 ee dalka Mareykanka, Osama wuxuu u baxay dhankaas iyo gobolka buuraleyda ah ee Tora Bora ee dalka Afghanistan halka Amal ay u carartay dalka Pakistan.

Bin Laden ayaa kasoo gudbay xadka Pakistan sanadki 2002, halkaas oo uu kula midoobay xaaskiisa gaar ahaan gobolka Peshawar.

Amal waxa kale oo ay sheegtay in ku dhuunteen iyo iyada odaygeeda iyo caruurteeda gobolka Swat Valley oo u dhaw xadka Afghan halkaasi oo uu guri uga diyaariyey nin ay Osama ilmo adeer yihiin Sacad.

Kadibna waxay u dhaqaaqeen magaalada Haripur, halkaas oo ay ku dhashay isbitaal maxalli ah gabadha la yiraahdo Aasia sanadki 2003 iyo wiilkeeda Ibrahim sanad kadib.

Sanadki 2005 waxay dageen guri ku yaala Abbottabad, waxaana ay ku dhashay gabadheeda Zainab oo ifka timid sanadki 2006 iyo wiil la yiraahdo Hussain oo ay dhashay sanadki 2008.

Mudadi ay joogeen gurigaasi waxaa iyana kusoo biiray labada xaas ee kale Osama Bin Laden, kuwaasi oo iyaguna ciidanka Mareykanku qabteen sida Amal oo kale.

Sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka Amal ayaa diiday in ay xog ka siiso muqaabaraadka Mareykanka in Osama Bin Laden uu xiriir la lahaa saraakiil Pakistani ah mudadi uu cararka iyo dhuumaaleysiga ku jiray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.