Sheekh Xeefoow: Waxaa jira duulaan kusoo wajahan Ahlu Suna

Ahlu Sunada Galguduud ayaa ka digtay duulaan kaga soo wajahan burcad badeeda iyo Al Shabab.

Sheekh Maxamed yusuf Xeefoow oo ah ninka ugu sareeya Golaha Fulinta Al Shabab ayaa sheegay in ay ka war hayaan rag ka tirsan burcad badeeda oo ku sugan magaalooyinka ay ka taliso Ahlu Suna ujeedadoodana tahay in ay dad ajnabi ah ka qafaashaan halkaasi.

Burcad badeeda oo uusan sheegin halka ay kaga sugantahay gobolka ayuu Mr Xeefoow ku tilmaamay rag ay gadaal ka riixayaan madax ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wuuxu sheegay in Al Shabab ay wado dadaalo ay ku dooneyso in ay kusoo weerarto magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ah halka ugu badan ee ay ka socoto howlaha maamuliada Ahlu Suna.

Al Shabab ayaa dagaalki ugu danbeeyey ku qaaday Dhuusamareeb bishi hore, waxa ay mudo kooban la wareegtay magaalada iyada oo marki danbana ay xoog uga saareen Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com