Sheekh Xasan Basri oo Shaaciyay inuu Jiro khilaaf Xoogan oo ka Dhextaagan Shabaab iyo Ajaanibtooda

Iyadoo shalay warqoraal ah oo kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu shegay in Abuu Mansuur Al-Amriiki uusan matalin Shabaab iyo ajaanibta la joogta intaba ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Basri.

Sheekh Xasan basri oo kamid culimadda Soomaaliyeed sidoo kalena kamid ah culimadda sida aadka ugu xeeldheer dhanka carabta ayaa wuxuu sheegay in khilaafkaan soo shaacbixiisa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Amriiki uu baahiyay khilaafka Shabaab ka dhexjira.

“Al-Amriiki wuxuu barta Youtobe-ka kusoo bandhigay Shabaab arin aysan jecleysan taasi oo ah inuu khilaaf ka dhextaagan yahay Shabaab iyo ajaanibtooda isagana naftiisa uu la baqayo”ayuu yiri Basri.

Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Al-Amriiki iyo Shabaab uusan aheyn mid wanaagsan isaga oo tilmaamay in Abuu mansuur Al-amriiki uu galaangal weyn ku dhexlahaa ajaanibta Shabaab.

Abuu Mansuur kaliya ma’ahan buu yiri Khilaafka ka dhextaagan Shabaab iyo ajaanibtooda hayeeshe wuxuu sheegay in ajaanibta kale ay jiraan khilaafyo kala dhextaagan.

Al-Shabaab ayaa shalay warqoraal ah oo ay soo saareen shaqadii kaga eryay islamarkaana taasi micna badan sababtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here