Sheekh Shariif oo codsaday in la dadajiyo xulida odayaasha anisixnayo dastuurka

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay soo da dajiyaan ergadi ansixin laheyd dastuurka dalka Soomaaliya.

Sheekh Sharif oo maanta la hadlay odayaasha dhaqanka Soomaalida ayaa sheegay in aysan heysan waqti loona baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaba gabeeyo xulida ergada isla markaana loo ansixiyo dastuurka si loogu gudbo xulida baarlamaanka.

“Cida ay idinla tahay oo ku haboon xiligaan oo shaqada wadi kara xildhibaana noqon kara soo xula maxaa yeelay taariikhda ayaa idin xusi doonto 100 sano kadib kuwa aad soo xuleysan ha noqdaan dad aqoon leh oo dalkaan hogaamin kara hadi ay xumaadaan idinka ayaa eedooda leh hadii ay wanaagsanaadaana waad ku amaanaan doontaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka codsaday odayaasha in ay xooga saaraan arinta diyaarinta mudanayaasha baarlamaanka, sidoo kalana ay il gaar ah u lahaadaan xildhibaanada haatan waqtigoodu dhamaanayo ee shaqada baarlamaanka ku cuuryaamay ama usoo dhaawacmay.

Baarlaamaanka ayaa lagu wadaa in ka hor bisha Augus lasoo xulo, kadibna ay doortaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka, sidoo kale 20-ka Agust ayaa lagu wadaa in madaxweynaha cusub la doorto 20-ka Augst.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. KKKKK KKKKKK KKKKKK ODEYAASHA WAA KUWEE ? MA KUWII ISAGA IYO XARIIF SAKIIN SOO SAMEYSTEEN MIYAA MISE WAA KUWII ASALKA AHAA ?

    HADDII AY RUN KA TAHAY HALA FULIYO QODOBADII KA SOO BAXEY ISTANBUUL IYO ADDIS ABABA OO AHAA IN LA SAMEEYO GUDDI SOO KALA SAARA DHAQAMADA LEYSKU HAYSTA ( ARBITRATION COMMITTEE) OO KA MADAX BANAAN TFGDA.

    HADDII KALE WAX ALLAALE WAXA AY ANSAXIYAAN DHAQANKA BUGTA AH WELIGEED SOMALIA KAMA SOCON DOONO.

    MADAXDA TFGDA WAA INEY OGAADAAN IN LAGULA XISAABTAMI DOONO DEMBIYADA AY KA GALAYAAN DHAQANKII SOO JIREENKA AHAA, SHACABKA SOMALIYED, HANTIDA QARANKA IYO KU XAD GUDUBKA AY KU SAMEYNAYAAN HESHIISYADA OO IYAGA SOO SAXIIXEY.

Comments are closed.