Sheekh Sharif oo jawaab kulul ka bixiyey eedeynti Dowlada Kenya–Sawirro

Kadib marki uu shalay wasiirka arimaha dibada Kenya ku eedeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed inuu lug ku lahaa qaraxyadi Hotel Jazeera ayaa waxaa jawaab kulul ka bixiyey Sheekh Sharif.

Shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay madaxweyne Shariif in Kenya ay kula jirto dagaal gaar ah isaga taasina ay wajigabax ku tahay in qof mas,uul ah uu warkaasi oo kale ku hadaaqo.

Warkaasi ayuu Shariifka ku tilmaamay mid dhaawacayo xiriirka labada dal iyo wada noolashada labada shacab, isla markaana aysan ka suurtoobin in isaga oo ah hogaamiye Soomaaliyeed uu ku kaco fal noocaasi oo kale.

“Waa nasiib darro Dowlada Kenya wixi na dhaxmaray in meesha ku dhamaadeen, laakin warkaasi ma kaalmeynayo wada noolashada labada wadan iyo xiriirka diblamaasiyadeed’

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in tagitaankiisi hotel Al Jazeera qaraxyada kadib ay ahayd mid waajib ku aheyd maadaama uu isagu xiligaasi wali saarnaa xilka madaxweynaha dalka oo uusan wareejin.

“Waa ka weynahay waxaas ILAAH ayaana ku mahadsansan in aan ka shaqeyo waxaas oo kale, waajib ayey igu aheyd in aan halkaas tago madaxweynahana kasoo wado waayo waxaan dareemayay inaan qibrad u lahaa arimahaas iyo iyadoo xilku markaasi wali is saarnaa,” ayuu yiri.

Ugu daneyntii Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Kenya aysan dhax dhaxaad ka aheyn arrinta Soomaaliya isla markaana uu kala hadlay dowlado badan, isaga oo intaasi ku daray in Dowlada cusub ee Soomaaliya ay u taalo qaska iyo boobka ay rabto in ay u geysato Soomaaliy.

“Waxaan kala hadlay Dowlado badan in Kenya aysan dhex dhexaad ka eheyn Soomaaliya,hadii ay Kenya rabto in ay Shidaal qadato iyo in ay dhul ka goosato Soomaaliya aniga iima taalo ee Dowlada ayey u taalaa, aniga waajibkeeygi waan soo gutay mana rabo in aan dhex galo howl aan shaqadeyda aheyn.” ayuu yiri.

Kenya wali war cad kama aysan soo saarin hadalka wasiirkooda arrimaha dibada uu ku eedeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inuu rabay inuu dilo madaxweynaha cusub iyo wafdigi Kenya ee dhawaan yimid Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

3 COMMENTS

  1. asc warbaahinta caalam ka waxaa ka xaraan ah in la aflagaadeyo
    shaqsiga ama qofka bani adamka ah wax waa laga sheegi karaa koox ama urun qabiil ama ujeedada biyadhaca waxaan uwadaa nika qoro waagacusub aflagadada iney tahay xaraam ilahey xarimay mida kale qf ayaad amaneysaa hadana shaqsigiisa ayaad caayneysaa ka waan toow waxaad amaantay madaxweynaha cub waxaad sheegtay somaliya usoo baxay iftiin usobaxay baxay oo aha madaxweyne aan aad aqoon mida ugu wanaagsan le aqoontiisa ayaad amaantay hadana isla warkas aad ku amantay ayaad hadana ku caaysay adoo leh xasan garguurte maanta oo tahay tariiqda 18 09 20012 ayaad qortay marka waxaan ku leeyahay
    adiga waxaad ku dhalatay ragaceele hadana waxaad dhahday sacad ayaan ahay ayaad dhah dayala ha unaxariistee waxaan ognahay abahaa inuu daganaa magaalo kamid ahg sh dhexe abahaana daganaa ragaceele adna aad ku dhalatay sow marka wax lagaa masheegi karo adeerxishoodka halagaa helo inaan ku aflagadeeyo ma rabo mana ka helo shaqsiga inaa wax ka sheego
    xushmada madaxweyne hena somaliya ha u gafin
    hadaad wadani tahay sidaas uma hadaonto ka yeel kaleexo xasan sheeq maxamuud waana mahadsan tahay walaal gudbi warkaan ahlusuna wajameeca dhamaan waan salamayaa bahda warbaahinta wsc

  2. asc warbaahinta caalam ka waxaa ka xaraan in la aflagaadeyo
    shaqsiga bani adamka ah waa leesku qaban karaa koox ama urun ujeedada biyadhaca waxaan ujedinayaa nika qoro waagacusub aflagadada ineytahay xaraam mida kale qf ayaad amaneysaa hadana shaqsigiisa ayaad caayneysaa ka waan toow waxaad amaantay madaxweynaha cub waxaad sheegtay somaliya inuu ifsoo baxay oo aha madaxweyne aan aad aqoontiisa amaantay hadana isla warkas aadku tilmaan tay xasan garguurte maanta oo tahay tariiqda 18 09 20012 ayaad qortay marka waxaan ku leeyahay
    adigawaxaad ku dhalatay ragaceele hadanasacadayaan ahay ayaad dhah day abahaa ragaceele ayauu dagan yahay hadaan ku iraa waa sheeg waceeb inaan ku aflagadeeyo marka sidaas darteen
    xushmada madaxweynahasomaliya ha u gafin
    hadaad wadana dad kuilaa xun dhurtaad haya jogaa shaqsiga ka gugudub qabiil ama qaran ama guruub ama urur sida aa doonto ka yeel kaleexo xasan sheeq maxamuud waana mahadsan tahay walaal gudbi warkaan ahlusuna wajameeca dhamaan waan salamayaa bahda warbaahinta wsc

  3. ujeedada shekh sharif waa un in u iskahorgeen dowlada cusub iyo kenya oo markaas somalida kenya hantidooda iyo dhulkooda boob lagulakaca. hadu shariif saas doonaya waxaa an leeyahay sug inta u nin jaluo ah madaxweyna kanoqonaya kenya adiiga arki doone cawaaqibxumida siyasad aad rabta in laguhogaamiyo somalia.Xasuuso ninka shaley hadalkaas yiri waa nin jaluo. Marka waxaan leeyahay balaaya hakukicinin walalaha somalida ah oo kenya joogta.

Leave a Reply to huseen hassan Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here