Sheekh Sharif oo hogaanka u haya wareega koowaad ee doorashada

Waxaa soo gaba gaboobay wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha oo hada wali ka socoto Muqdisho.

Wareega koowaad ayaa waxaa 64 cod ku hogaaminayo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa aad u daba socda Prof Xasan Sheekh Maxamuud, halka ay sadexaad iyo afraad ku kala jiraan C/wali Gaas iyo C/qadir Cosoble Cali.

Waxaa wareega labaad u soo gudbay afartaasi nin ee aan kor kusoo sheegnay, iyadoo ay hareen musharaxiinti kale.

Lama oga cida guuleysan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here