Sheekh Sharif: Beesha caalamka ma aqbali doonto in 20-ka August ay diyaar ahaan waayaan xildhibaanada

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay gudiyada loo xilsaaray xulista xildhibaanada iyo xalinta qilaafaadka in ka hor 20-ka August la diyaariyo baarlamaanka cusub.

Sheekh Shariif oo maanta la kulmay gudiyada kala ah gudiga farsamada soo xulista iyo gudiga xalinta qilaafaadka ayaa sheegay in ay suurta galtahay in waqtoga doorashada madaxweynaha ama gudoomiyaha baarlamaanka dib loo dhigi karo, laakinse aysan beesha caalamka aqbaleyn in xildhibaanada aysan diyaar aheyn marka la gaaro 20-ka August.

Gudoomiyaha gudiga xalinta qilaafaadka Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbixin siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin wali wax qilaaf ah oo ay la kulmeen howluhuna ay marayaan meel wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa marki uu dhameeyey kulanki uu la lahaa gudiyadaasi u amba baxay dalka Sacuuci Carabiya, halkaas oo uu uga qeybgali doono shirweyne ay madaxda dalalka Islaamka uga furmayo.

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in ajnadayaasha lagu soo qaadi doono uu qeyb ka yahay dalkeena Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here