Sheekh Fu’aad Oo Difaac Ka Codsaday Shacabka Ku Nool Magaalada Kismaayo

Sheekh Fu’aad Shongale oo kamid ah saraakiisha xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka xarakada Al-Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka reer Kismaayo inay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Gobalkaasi.

Fu’aad ayaa wuxuu sheegay in raga dhalinyarada ah looga baahan yahay inay galaan dagaalada islamarkaana naftooda ay u huraan difaacida diinta Alle.

Wuxuu sheegay in qof waliba aysan aheyn shardi inuu qaato qori balse loo baahan yahay agabka kale ee lagu dagaalamo inuu qaato dagaalkana uu dhinac ka galo.

Sheekh Fu’aad Shongale wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Jubbooyinka aysan muujin niyad jab balse uu usheegayo in ciidamada huwanta ah ay ku jabeen dagaalada Jubbooyinka sida uu sheegay.

Sikastaba Sheekh Fu’aad Maxamed Shongole oo kamid ah saraakiisha xarakada Al-Shabaab ayaa wuxuu imaanaya iyadoo xarakada Al-Shabaab ay wajahayaan culeesyo milateri oo kaga imaanaya ciidamo isbaheysanaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here