Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo geeriyooday Gaalkacyo

Gudoomiyihi hore ee Ahlu Sunnaada Galguduud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo kadib marki baabuur uu la socday uu shil la galay.

Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo mar soo noqday gudoomiyaha Golaha Talada ee Ahlu Sunna ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray kadib marki loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyey Sheekh Axmed Ilkacase oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee xiligaan kaasi oo sheegay in la filayo in marxuumka maanta la aaso.

Geerida mas,uulkaan ayaa kusoo beegantay xilli ay Ahlu Sunna Jimcihi dooratay hogaan cusub oo xaga maamulka ah.

Ahlu Sunna ayaa maamusho iminka inta badan gobolka Galguduud, kadib marki bishi hore ay qabsatay magaalada Ceelbuur oo in mudo ah gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.