Sheekh Cali Dheere: Shirki Cadaado wuxuu ahaa dhagar iyo makri

Xarakada Al Shabaab ayaa dhagar iyo hadimo loo dhigay dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay shir dhawaan degmada Cadaado ugu soo gaba gaboobay maamul goboleedyada aanan la aqoonsan.

Afhayeenka Al Shabab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa ku sifeeyey shirka mid lagu maleegay fulinta qorshayaal ay soo dajiyeen dalal gaala ah laguna dabo umada Soomaaliyeed.

“Shalay shir uu ugu soo gaba gaboobay Cadaado niman wax magarad asaasaqay ah, ujeedadoodu shirkaasi waxa uu ahaa in ay qasaan umada sidaasi ayaa loo soo sameeyey ragaan waxaana ay wakiilo ka yihiin gaalada,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay dad ka qeybgalay kulankaasi oo ay ku jireen buu yiri sadex ama afar ruux oo wada sheeganaysa madaxweynaha hal degmo ama hal magaalo oo yar.

“Waxyaabaha iga yaabiyey waxaa ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa ka joogay sadex nin oo wada sheeganaya in ay yihiin madaxweynaha gobolkaasi, hal magaalo oo yar ayaa waxaa ka socda afar madaxweyne, waxaan leenahay waxaasi waa qaraw, umada waxaan faryenaa in ay ka digtoonaato” ayuu yiri Sheekh Cali.

Shirka maamul goboleedyada aanan la aqoonsan ayaa sidoo kale waxaa cambaareysay ururka Ahlu Suna waljamaaca oo ku tilmaantay in dadki ka qeybgalay ay hug sanaayeen shaal Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.