Sheekh Caan ah oo Xuddur lagu dilay

Allaha ha u naxariisto, waxaa maanta duhurkii magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool laga helay meydka Sheekh Caan ka ahaan halkaas oo ay dileen Al-Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Sheekh Cabdiraxman Macalin Warsame oo ka tirsanaa culumada sida weyn looga yaqaan gobolada Bay iyo Bakool xalay lagu dilay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekha ayaa la sheegay in rag hubeysan ay kala baxeen gurigiisa waxaana meydkiisa laga helay meel ku dhow gurigiisa.

Wuxuu jiray 75-jir, wuxuuna ahaa Sheekh muddo ka badan 40-sanno immaan ka ahaa masaajidka wayn ee magaalada Xuddur, waxaa kaloo la sheegay in ka aqrin jiray daruusta diinta, gaar ahaan tafsiirka quraanka kariimka.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ku sugan  ayaa ku eedeyay dilka Sheekha kooxda Al-Shabab oo labo maalin ka hor magaalada qabsaday, ka dib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ay halkaasi si lama filaan ah isaga baxeen.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo hadda gacanta ku haya xarunta Bakool ee Xuddur.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here