Sharma’arke oo Jawaari ku qanciyay ka qeyb galka shirka Kismaayo

Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari
Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya, in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu ku guuleeystay inuu Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Jawaari ku qanciyo ka qeybgalka shirka ka furmaya Kismaayo oo uu horay u qaadacay.

Mudane Jawaari, ayaa horay u diiday inuu ka qeyb galo shirka madasha qaran ee lagu wado inuu Kismaayo ka furmo, waxaana uu gudoomiyaha u qaadacay kadib markii uu eedeymo kala kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo ku cambaareeyay booqashadii uu ku tegay magaalada Dhuusamareeb oo ay maamulaan ururka Ahlusuna.

Wadahadalo saacado badan qaatay, ayaa ugu dambeyn mudane Jawaari waxaa lagu qanciyay inuu tago magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa inuu halkaas gaaro maanta gelinka dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here