Shariif Xasan Shiikh Aadan Oo Sheegay Inuu Utaaganyahay Xilka Madaxtinimada Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamanka Uu xilkiisa muranka kujiro Shariif Xasan Shiikh Aadn oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da qaybta kuhadasha afka soomaaliga ayaa waxa uu kadhawaajiyay inuu yahay musharax utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu yahay muwaadin soomaaliyeed islamarkaasna uu xaq uleeyahay inuu isku soo sharaxo jagada madaxtinimada Somalia.

Shariif Xasan ayaa mar laweydiiyay eedeynta Kooxda Monitoring Group ee ku xusnayd inuu lunsaday lacag aad ufarabadan intii uu ahaa wasiirka maaliyada Xukuumadii Cumar C/rashiid ayaa waxa uu ku jwaabay.

“Runtii warbixintaas ma ahan mid sal iyo raad leh maxaa yeelay Hay’adaheena qaar ayaanbo mar marka qaar u weynaa mushaar marmarna waan uhelnaa mana jirto lacag aan lunsaday”

Mudanayaal Kor udhaafaya ilaa 250 xubnood ayaa horay fadhi ay kuyeesheen magaalada Muqdisho xilka uga qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan iyagoo gudoomiye udoortay Madoowe Nuunoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here