Shariif Xasan Shiikh Aadan oo loo doortay Madaxweynaha 3 Gobol

shariif xasan adaan

Siyaasiga Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa galabta loo doortay Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya seddexda Gobol.

Shariif Xasan ayaa helay cod gaarayey 373,waxaana diiday  15 qofood iyadoo 8 Xubnood ay ka aamustay doorashadii dhacday.

Siyaasigaan ayaa waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay la kulanka ama wada hadal uu la galo cid kasta oo wax ka tabaneysa maamulka loo doortay.

Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa hore usoo noqday Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xilka Wasiirkii Maaliyada Xukuumadii Kumeelgaarka aheyd uu soo qabtay.

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Cusub Maamulka Seddexda Gobol Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isla galabta waxay u ambabaxeen Magaalada Copenhegan ee Dalka Denmark halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan shirka ka furmaya maalinta Arbacada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here