Shariif Xasan oo ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka inay beelahooda kalasooni ka raadsadaan.

Guddoomiyaha baarlmaanka shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka in ay kalsooni ka raadsadaan beelahooda maadaama bartamaha sanadkan baarlamaanka u noqon doono 225 xubnood.

Shariif Xasan oo wareysi siiyey idaacada Bbcda laanteeda afka soomaaliga ayaa ku adkeystey inuu yahay weli guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa  ku macneeyey sababta keentay in uusan furmin shirarka baarlamaanka in ay tahay iyadoo aysan xukuumada keenin ajande laga hadlo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in 15june loo baahan yahay in xubnaha baarlamaanka cusub magacyadooda la soo gudbiyo si loo qabto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka cusub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa beeniyey in ay jiraan qorshe ay saddexda mas’uul ee ugu sareysa xukuumada ay boosaskooda sii haysan doonaan, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan kulamada uu shir gudoominayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka isagoo xusay in mas’uuliyada baarlamaanka uu ugaga tegey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka.

Hase yeeshee xubno badan oo ka mid ah baarlamanka ayaa ka soo horjeestey go’aanka kulankii dhowaan lagu qabtay magaalada Garowe, waxayna xubnahan ka wadaan magaalada Muqdisho kulamo ay ku doonayaan in ay ku soo doortaan guddoomiye cusub oo uu yeesho baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kulan dhowaan ay yeesheen dowlada kumeelgaarka ah iyo maamul goboleedyada ayaa lagu heshiiyey in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu ka koobnaado illaa iyo 225 mudane isla markaana lagu soo xulo hab beeleedka 4.5.