Shariif Xasan oo loo diiday in uu gudaha u galo Baydhabo

Shariif Xasan oo loo diiday in uu gudaha u galo Baydhabo
Shariif Xasan oo loo diiday in uu gudaha u galo Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in wafdi uu hoggaaminaayay Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh loo diidday in ay magaalada galaan.

Wafdiga gudoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa ilaa hadda ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo sidda ay lee yihiin wariyaasha.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu olole ugu jiraa in Magaalada Baydhabo laga dhiso Maamul Goboleed ka kooban Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, halka dadka reer Baydhabo ay badankood taageersan yihiin Maamulka 6-da Gobol (Gobolada Koonfur Galbeed ee Somaliya).

Boqolaal ruux oo dadka reer Baydhabo ah, ayaa waxay soo dhoobteen labada wado ee gasha Garoonka Baydhabo, iyagoona ka biyo diidan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu gudaha u soo galo Baydhabo.

Sidoo kale taageera-yaasha Maamulka 6-da Gobol, ayaa waxay taayeero ku gubayaan Bartamaha Magaalada Baydhabo, waxayna ka soo horjeedaan in Shariif Xasan uu gudaha u soo galo Baydhabo.

Isku soo duub waxaa uu hakad ku yimid ganacsigii ka jiray magaalada Baydhabo, iyadoo albaabada loo laabay xarumihii ganacsi ee ka jiray xarunta Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here