Shariif Xasan oo heshiis dhinaca amaanka ah la galay shirkad Halis ku ah amaanka Soomaaliya

Shariif Xasan, Madaxweynaha Koofur Galbeed

Aasaasaha shirkadan Erick Prince ayaa sheegay in ay ka taageeri doonaan Maamul goboleedka KoofurGalbeed dhinacyada ammaanka,duulista iyo dib u dhiska.

Madaxweynaha dowlad goboleedka KoofurGalbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in heshiiska uu la galay shirkadan ay qeyb ka tahay sidii loo soo jiidan lahaa maalgashtayaal shisheeye iyo kuwa gudahaba.

Shirkadda FSG oo Hong Kong ka diiwaangashan ayaa hore loo oran jirey Blackwater waxana lagu eedeeyay dhibaatooyin ay ka sameysay dalka Ciraq oo ay hore ugaga howlgali jirtey.
Madaxa shirkadan Erick Prince ayaa hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee US Navy SEAL ayaa aasaasay shirkada ammaanka ee Blacwater balse markii lagu eedeeyay dhibaatoyin ay ka geysteen dalka Ciraq ayuu shirkadda magaceedii u bedelay FSG.

“Mashaariicda Koofurgalbeed aan ka hirgelinayno waxaa ka mid ah dhinacyada dhulka,circa iyo badda iyo weliba in ammaanka la hormariyo,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda FSG.

Qorshaha shirkadan ayaa waxaa kamid ah dowlad goboleedka KoofurGalbeed ay u dhisto deked,dhismo deegaan iyo horumarinta dhul beereed.

Madaxweyne Sharif Xasan ayaa sheegay in uu isu keenay hogaamiyaal shirkado caalami ah kuwaasoo aqoonyahanada Soomaaliyeed ka kaashan doona sidii loo horumarin lahaa Koofurgalbeed Soomaaliya,hase yeeshee Shariif Xasan ayaan bixin faahfaahin ku aadan qarashka ku baxaya mashaariicda iyo xilliga la bilaabayaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here