Shariif Xasan oo daqiiqadaha soo aadan lagu wado inuu gaaro magaalada Garoowe

Gudoomiyaha baarlamaanka oo saacadaha soo aadan la filayo inuu gaaro magaalada Garoowe.

Kadib maalmo uu qal qal ku jiray kursiga Shariif Xasan oo xildhibaano ka badan 250 mudane isku raaceen in ay xilki ka qaadeen ayey hada u muuqataa in uu ka guuleystay dhibaatadi uu wajahayey, kadib marki uu u duulay magaalada Garoowe.

Shariif Xasan ayaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxay ka baxeen magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka wadatashiga oo wajigiisa labaad lagu wado inuu maalinta berito ah ka furmo magaalada Garoowe.

Madax ka tirsan maamulka Puntland ayaa diyaar ku ah hada garoonka si ay usoo dhaweeyaan Mr Shariif.

Ra’isulwasaare C/wali ayaa isna galabta la filayaa in uu ka dhoofo magaalada Muqdisho si uu ugu biiro  gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Shariif oo shalay gaaray Garoowe.

Wixi kusoo kordho kala soco Midnim.com.

1 COMMENT

Comments are closed.