Shariif Xasan oo caawa ku hoyanayo Magaalada Baydhabo mudo 6 sana ah kadib

Xaalada magaalada Baydhabo oo ay maanta gaareen wafdi sare oo ka socda dowlada isla markaana uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa caawa dagan.

Magaalada amaankeeda ay aad u sugayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa ku hoyanaya gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ugu danbeysay mudo iminka laga joogo lix sano.

Shariifka ayaa wareysi uu caawa siiyey idaacada ku hadasho codka dowlada ku sheegay in uu wado qorshayaal uu maamul ay dadka raali ka yihiin kaga dhisayo gobolada Bay iyo Bakool.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in Al Shabab aysan mudneyn in lala hadlo balse waajibkoodu yahay in lala dagaalamo.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay gargaar dag dag ah lasoo gaarto dadka ku nool magaalada Baydhabo oo ay haatan ka taliso dowlada KMG Soomaaliya.

Wafdiga Shariifka oo ka kooban ku dhawaad 50 xubnood ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyada oo ka tagay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.